U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maanta uu tago magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan.

Ulajeedka safarka madaxweynaha lama shaacin, hase ahaatee magaalada Baladweyne waxaa ka socota diyaar garowga soo dhaweyntiisa.

Nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa Goobjoog News u sheegay in ay ku wajahan yihiin garoonka Baladweyne si ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday gudoomiyahii gobalka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax, loona magacaabay gudoomiye Yuusuf Axmed Xagar Dabageed, sidoo kalena waxa uu madaxweynaha ku dhawaaqay in shirka Hiiraan iyo Sh/dhexe maamulka loogu sameynayo lagu qabanayo Jowhar, caasimadda maamulkaasina noqoneyso Buulo-burde.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News