Ciidanka Itoobiya oo Masjid ku dhex dilay Masuul ka tirsanaa Dowllada Hoose ee Beledweyne

April 12, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Ciidanka dowllada Itoobiya ee ku sugan  magaalada Beled-weyne kana mid ah ciidamada huwanta ah ee la wareegay gacan ku hayta magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ay weerar  ku qaadeen masuul ka tirsanaa  maamulka dowllada Hoose ee Beledweyne  xili uu marayey meel u dhow Masjid ku yaal Bartamaha magaalada balse markii uu dareemay cabsi ayaa masuulku waxaa uu galay gudaha Masjidka.

Masuulkaan oo lagu magacaabo Cabdi Tuureey Axmed laguna naanayso Cabdi Gute kana tirsanaa Dowllada Hoose ee maamulka magaalada Beledweyne ayaa markii uu galay masjidka ay ciidanka Itoobiya gudaha u soo galeen Masjidka ka dibna ay ku dhex toogteen , dilka ay ciidanka Itoobiya geysteen ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay dad rayid ah ku sugnaa gudaha Masjidka.

Masuulkaan ay maanta dileen ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii la soo dhaafay ay ku raad joogeen ka dib markii uu dhowr jeer uu eedeyn gaar ah u soo jeediyey ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gobolka Hiiraan kuna eedeeyey in dad rayid ah ay xadgudubyo u geysteen. Dadka ku dhaawacmay weerarkaan foosha xun oo ay ciidanka Itoobiya  ka  geysteen Masjidka gudahiisa ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo hadda lagu daaweynayo.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Laqanyo oo ka hadlay dilka ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu u sheegay saxaafada in ay baaritaan samayn doonaa  , cidii falkaas foosha xun uu ku cadaadana  ay la xisaabtami doonaan.

A/cawaale
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Madax-weyne kusheeg Xasan wuxuu kashaqaynayaa sidii Soomaaliya lookala goyn lahaa magaaladii uu kudhashayna masaajidada ayaa Ethiopian Saraakiisha dawlada iyo shacabkaba kutooganayaa oo aan laba ali iswaydiinayn. Wuxuu dadka usheegay inuu amaanka kashaqayndoono bal eeg waxa Xamar maanta kadhacaya iyo waxa uu kumaqanyahay ee uuku mashquulsanyahay oo sidii “SomaliLand” reer kamida reeraha soomaaliyeed ee Woqooyiga dega loogu aqoonsan lahaa dawlad gaar ah. Waa nasiib darooyinka weli Soomaliya haysta oo marba marka danbaysa kasoo daraya. waxaase laga yaabaa in waxfiican Rabbi inoo ogyahay inay inoodanbeeyaan. Raxariista Alle lagama quusto. Soomaaliyey haquusanina.

  2. Qudhaanjaba qoodho-qaniinteeee???
    Dawladda fadaraalku waa Inay degdeg uga hadashaa
    Falkan argagixasada iyo waxashnimada ah,
    Baaritaanna lagu sameeyaa, ciddii ka danbaysayna waajibkeeda
    la mariyaa…haddii aanay intaas samayn karin….meesha waxba
    ma yaalaan ee dadka yaan la hodin…

    dhinaca kale falalka noocan u dhaca ee cadowgu maleegayo,
    iyo ka aamuska iyo cambaarayn la ‘aanta dawladu aanay ka hadlayn waxaa
    ka faaiidaysanaya oo ay u adeegahayaan fikradaha guracan ee
    gacan ku rimiska ah ee Alshabaab.

  3. WAA ARRIN MURUGO LEH, NINKA LA DILAY ALLAH HA U NAXARIISTO EHELKIISIINA SABIR HA KA SIIYO, AMXAARO WAA CADAW MASIIXIYIIN HA, NAXARIISINA INAGAMA DHAXAYSO, TABAR DARRADA AYAANAY INAGU ARKEEN, LAAKIIN RABBI WAXBA KUMA AHA IN AYNU MAALIN UUN KA ADKAANNO OO AAN AGOOMAHA ILAWSIINO DHIBTA XABASHIYI U GAYSATEY WAALIDKOODII

  4. ascwrwb runtii allah baa ka qaadikara masiibda ku habsatay sooma dibad iyo gudaba dhibaa haysta xitaa dhulkii hooyo cadaw ka xoogbadanbaa ku baabinaya waxaa waxa laga xumaado in xitaa masaajidii xurmadii laga qaado oo dhiiga lagu daadiyo dhamaanteen aan alle u noqono si uu allah dhibka nooga qaado allow sharaftii soomaaliyeed soocelih waan ka xumahay in amxaaro iyo mid islaam xadgudbay ay baabi iyaan dadka soomaliyeed oo dhulkoodii lagu gumysto wscwrwb

  5. ILLAAHAY ETHIOPIA IYO WIXII RAACSANBA MEEL XUN SAL HA UGA DHIGO

    AMIN

Leave a comment

*

Archives
April 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online