Xabeeb: Waxaan dooneynaa Hiiraan oo laba gobol ah

Xabeeb: Waxaan dooneynaa Hiiraan oo laba gobol ah
Ibraahim Xabeeb Nuur wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta wadda shirka Hiiraan

Xigashada Sawirka, BBC World Service

Qoraalka sawirka, Ibraahim Xabeeb Nuur wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta wadda shirka Hiiraan

Ibraahim Xabeeb Nuur oo ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ee shirka ka wada Beledweyne ayaa sheegay inay doonayaan kadib marka uu dhammaado wejiga koowaad ee shirka inay doonayaan in Hiiraan laba gobol laga dhigo.

Waxa uu sheegay in wejiga hore beelo badan ilaa hadda lagu heshiisiiyay shirweynaha ka socda magaalada Beledweyne oo ay leeyihiin beelaha dega gobolka Hiiraan kaas oo ujeedka laga leeyahay ay tahay in marka hore nabad laga dhex dhaliyo beelaha ay colaaduhu dhexmareen mudadii dawlad la'aanta iyo in wejiga labaad shirkaasi looga arrinsanayo mustaqbalka iyo aaya ka talinta gobolka Hiiraan.

Haddaba Ibrahim Xabeeb Nuuur oo horey wasiirro uga soo noqday dowladihii hore ee Soomaaliya, mudda dheerna xildhibaan ahaa ayaa waxa uu Istuudiyaha London ugu warramay Farxaan Maxamed Jimcaale kadib markii uu ka yimid gobolka toddobaadkan.